555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Number of View :506

Robin van Persie ayaa sameeyn la mid ah ku yeeshay Manchester tii uu lahaa Eric Cantona, sidaasi waxaa aaminsan tababare Sir Alex Ferguson.

Weeraryahanka reer Holland Van Persie ayaa dhaliyay 15 gool tan iyo intii uu kaga soo biiray Arsenal, taasoo keentay in lala mid dhigo Cantona oo imaanshihiisa Old Trafford ka saaciday United inay horyaalka ku guuleysato markii ugu horeysay muddo 26 sanadood ah.

“Halkaan Manchester United hadiyadeenii sannadka cusub waxaan helnay bilowgii xilli ciyaareedkan markii Robin van Persie uu yimid Old Trafford.” ayuu Ferguson sheegay ka hor kulanka Newcastle United.

“Uma badni inaan inta badan hal shaqsi ka hadlo sababtoo ah waxaan aaminsanahay in guusha kubada cagta inay ku timaado wado shaqeyn, mana nihin koox hal nin ku socota, laakiin mararka qaar waxaa jirta xaalado aad nasiib ku leedahay inaad hesho ciyaaryahankii ku dhameystiri lahaa shaxda.”

 

Cantona ayay Man United kula soo wareegtay 1.2 milyan ginni oo ay siiyeen Leeds 1992dii, iyadoo kooxda Sir Alex Ferguson ay markaas ku jirtay kaalinta 8aad.

“Waxaan dhameystirka shaxda sidoo kale helnay markii aan keenay Eric Cantona Old Trafford markaasoo uu noqday ciyaaryahanka saxda ah ee yimid kooxda saxda waqtiga saxda.” ayuu yiri Ferguson.

“Waxa uu udub dhexaad u noqday guulaheena.”

“Inaad ciyaaryahan fiican la soo wareegto micnaheeda ma ahan inaad kula soo wareegto lacag rikoor ah. Cristiano Ronaldo isaga xitaa lacag rikoor ah kulama aanan soo wareegin, laakiin hubaashii kala duwanaansho ayuu keenay, isagoo nagu kor noqday ilaa iyo dad badan ay haatan u texgeliyaan ciyaaryahanka adduunka ugu fiican.

madiina.net

xafisska ciyaaraha muqdisho

robin-van-persie-manchester-united_1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>