Number of View :145
Alexandre Pato ayaa kaliya hal talaabo u jirta inuu ka tago kooxda AC Milan oo uu ku biiro Corinthians, sida uu xaqiijiyay wakiilkiisa.
23 jirkaan reer Brazil ayaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxda heysata koobka kooxaha horyaalka adduunka ee Corinthians, waxaana la filayaa inuu si joogta ah ugu biiro. Wakiilkiisa ayaana haatan sheeganaya in Milan ay heshiis la gaartay kooxda reer Brazil.
Waxa uu u sheegay Radio Bandeirantesm wakiilka Pato Gilmar Veloz : “Haa AC Milan waa ay ogolaatay heshiiska. Waxaan haatan dhameystireynaa faahfaahinta qandaraaska, heshiiska waa uu dhici doonaa.”
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa waxaa ay kooxda horyaalka adduunka ku iibsan doontaa qiimo gaaraya 15 milyan Euro.
Galliani ayaa sidoo kale ku sugan Brazil isagoo cid iibsata u raadinaya Robinho, madaama uu isna weydiistay in la iibiyo bishaan Janaayo.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com