Number of View :55
Wararka laga hellayo gobollka Gado ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca la wareegeen deegaan ku dhaw magaalada Baardheere ee xarunta gobollka Gado.
Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max’ed Xussee Al-Qaadi oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in xoogaga Ahlu Sunna ee gobollka Gado la wareegeen deegaan lagu magacaabo Daar-macalin oo wax ka yar 30km u jira magaalada Baardheere.
Waxaa uu sheegay in dagaal culus oo ay la galeen Al-shabaab kula wareegeen deegaannkaas oo sida uu sheegay muhiim u ahaa Al-shabaab, maadaama ay uu marin u ahaa gurmadka kooxda xiliyada dagaallka.
Galinkii danbe ee maalintii shalay ayeey aheyd markii uu labada dhinac dagaal culus ku dhaxmaray duleedka magaalada Baardheere, waxaana dagaallkaas guulo ka sheegtay xoogagga Ahlu Sunna Wajameeca.
Afhayeenka Ahlu Sunna waxaa u inta ku darray in dhawaan ay la wareegi doonaan gacan ku heynta magaalada Baardheere ee xarunta gobollka Gado.
madiina.net@hotmail.com