Number of View :142
Kadib Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya gaar ahaan Hoyga Ra’iisul Wasarae Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa Qaraxaasi masuuliyadiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
War qoraal ah oo gordhow lasoo dhigay Bogga Ay Internetka ku leeyihiin Al-shabaab ayaa lagu sheegay Masuliyada Qaraxaasi inay leedahay Xarakada Al-shabaab, waxaana ku faaneen khasaarihii ka dhashay Qaraxasi.
Qoraalka kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay ku dileen 7 Kamid ah Ciidamadda Nabad sugida Soomaaliya isla markaasina ay ku jiraan raga ay dileen 3 kamid ah Rag ay Al-shabaab si gaara u ugaar sanayeen.
Qoraalka Al-shabnaab kasoo baxay oo ku qornaa luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarada ay Al-shabaab ku doonayaan inay ku cirib-tiraan Saraakiisha Amisom iyo waxa ay ugu yeereen Dabadhilifka , waxaana sidoo kale lagu sheegay in Saraakiisha Dowladda aysan heli doonin goob uu uga badbaado weerarada Al-shabaabna goob walba oo uu galana ay Mujaahidiintu kaga dabagelayaan xitaa hadii ay tahay goobaha uu ammaankeeda aad u ilaaliyo sida Madaxtooyada oo kale sida bayaanka Xarakada Al-shabaab kasoo baxay lagu sheegay.
Maanta ayay ahayd markii Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ilaalada gaarka u ah R W Soomaaliya qarax lagula eegtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
madiina.net@hotmail.com