Number of View :170
Alshabaab ayaa sheegay iney dib usoo celiyeen bartii bulshada ee ay ku lahaayeen shabakadda Twitter-ka oo maalmo ka hor laga xiray.
Alshabaab ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay dib loo soo celiyey bartii ay ku lahaayeen Twitter-ka oo waxyar laga badelay xarfihii lagu geli jiray.
Masuul ka tirsan xafiiska warfaafinta Alshabaab ayaa u sheegay warbaahinta Alshabaab in Account-ka cusub oo cinwaankiisu yahay @HSMPRESS1, isagoo xusay in Xalay oo Taariikhdu ku beegnayd 3-Feb-2013 la dhigay qaraallo dhowr ah oo ku qoran Luqada English-ka.
Alshabaab ayaa ku dhaleeceeyey dalalka reer galbeedka iney ku fashilmeen horjoogsiga wararka ay usoo tebiyaan caalaamka guud ahaan, gaar ahaan taageerayaashooda.
Todobadkii hore ayay ahayd markii shirkada Twitter ay xirtay Account-gii ay Alshabaab oo ahaa: @HSMPress kadib markii sida la sheegay cadaadis uga ymid qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka, kadib markii Alshabaab ku baahiyeen sawirka meyd askari Faransiis ah oo lagu dilay dagaalka Faransiisku ku qaaday Buulo Mareer bishii hore, kaasoo laga cararay.
madiina.net@hotmail.com