Number of View :95
Kabtanka AC Milan Massimo Ambrosini ayaa sheegtay in weeraryahanka Shanghai Shenhua Didier Drogba inuu ciyaaryahan ahaan ka fiican yahay weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli.
Rossoneri ayaa lala xiriiriyay labada weeraryahan, waxaana halyeeygan khadka dhexe uu dareensan yahay in ciyaaryahanka reer Ivory Coast inuu ka dhameystiran yahay ninka ay isku wadanka yihiin oo uu tilmaamay dabcigiisa.
“Mar walba ayaan jeclaa Drogba” ayuu Ambrosini u sheegay Gazzetta dello Sport.
“Waa nin xirfada ay ka muuqato, waana ku soo dhaweyneynaa Milan. Mario tayadiisa ma dhameystirna, waa wax qalad ah in la yiraahdo da’diisa ayaa u sabab ah dabcigiisa.”
Ambrosini ayaa sidoo kale sheegtay in Juventus ay difaacan doonto Serie A si sahlan xilli ciyaareedkan, islamarkaana waxa kaliya ay Milan rajeyn karto inay tahay inay ku dhameystaan kaalinta labaad.
“Juventus cid la tartameysa ma joogto Serie A. Waxaan u dagaalami karnaa booska labaad, waxaan isku heer nahay Napoli, Inter, Roma, Fiorentina iyo Lazio. Waxaan fahmi doonaa meesha diirada noo saaran marka la gaaro Febraayo ama Maarso.”
Milan ayaa wareega 16ka ee Champions League waxa ay la ciyaari doontaa Barcelona, Ambrosini ayaana sheegay in kooxdiisa ay u qalanto inay gaarto wareega 8da oo ay ka talaabsato Barcelona.
“Milan waxa ay u qalantaa inay boos ka hesho wareega 8da ee Champions League. Marka laga soo tago Barcelona, Manchester United, Real Madrid iyo Bayern Munich, ma jirto cid kale oo inaga fiican.”
madiina.net
madiina.net@hotmail.com