555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Aqbaar deg deg ah: Gudoomiyihii maamulka Ahlu suna Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow oo geeriyooday

Number of View :378

xeefow-oo-ka-hadlaya-banaabaxxa-dhuusamareebWaxaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho gudoomiyaha golaha fulinta Ahlu suna waljameeca ee gobolada dhexe Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan ahlu suna waljameeca.

Geerida Marxuum Shiikh Xeefow ayaaa waxaaa  warbaahinta u xaqiijiyey Maxamuud Cabdulle Weheliye (Waqaa) oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee baarlamanka kaasoo ehelo dhow la ah marxuumka geeriyooday.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in marxuum Xeefow oo uu ku kacay xanuun deg deg ah oo ka dhashay cudurka sokorta isagoo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

“Saaka waxaa loo soo duuliyey Muqdisho isagoo xaalad adag ku jira Isbitaalka AMISOM ayaa la dhigay oo aniga xitaa aan ku booqday, ka dibna waxaan ku wargeliyey madaxweynaha oo isna amar ku bixiyey in si deg deg ah Nairobi loogu qaado si loogu soo daweeyo halkaas, dayuurad ayaa loo dalbay hase ahatee tii rabi ayaa ka soo hormrtay oo xiligiisii ayaa dhamaday wana geeriyooday” ayuu intaa ku daray wasiirka oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Shiikh Maxamed Yuusuf.

Gudoomiyihii golaha fulinta Ahlu suna waljameeca ee gobolada dhexe marxuum Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa ka mid ahaa masuuliyinta ugu cadcad maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe oo dagaalo badan la galay xoogaga Al-shabaab, isagoo shirkiisii jaraaid ee ugu dambeeyey shalay ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>