555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

arrin mucjiso ah oo ka dhacday masjidka nabiga [csw] ee maagaalada madiinatu al munawara

Number of View :1345

Waxa arrin Mucjiso Rabaani ah oo si weyn loola yaabay caalamka oo dhan ay ka dhacday masaajidka Nabiga CSW ee magaalada Madiina Munawara ee dalkaas Sacuudi Carabiya ka dib markii uu jameecada dhexdeeda ka soo muuqday oo uu soo dhex fadhiistey qof ama malag aan la aqoon waxa uu ahaa oo ayna la yaabeen dadkii ku sugnaa masaajidkaas.

Arintaan mucjisada iyo la yaabka leh ee ka dhacday magaalada Madina ee dalkaas Sacuuudiga ayaa waxay timid xilli ay jameecada islaamku isku diyaarinayeen tukashada salaada Jimcaha iyadoona jameecada ay si qushuuc ah ay u dhageysananyeen qudbadii salaada jimcaha ee uu masaajidkaas ka aqrinaayey sheekha lagu magacaabo Sheekh Cabdul Moxsen ayaa waxaa mar qura ka soo dhex muuqday oo dhex fadhiistey jameecada dhexdeeda ruux ama qof uu ka baxaayey korkiisa nuur iyo iftiin badan oo aan la aqoon waxa uu ahaa iyadoona uu qofkaas uu ka yaabsaday qaar ka mid ah jameecada islamarkaana ay kuwa kalena ay ku noqtey arintaas naxdin iyo waxay filan waayeen.

Ugu dambeyntiina inkastoo ay arintaan tahay mid uu muran weyn ka dhashay oo ayna dadka qaar aamisan yihiin qof caadi ah oo kaamirada ay sidaas u ekeysiisay, halka ay dadka qaarkiisna ay aaminsan yihiin inay tahay mucjiso rabaani ah ayaa run ahaantii aysan jirin cid sheegi karta waxa uu ahaa dhab ahaan qofkaas iyo meesha uu ka yimid oo uuna socdo baaritaan ku saabsan arintaas ayaa agaasimaha xiriirka dadweynaha ee xeradaas uu ku yaalo masaajidkaas sheekha lagu magacaabo Sheekh Cabdul Waxed Al Xattab oo arintaas ka hadalay ayaa waxaa uu sheegay inaysan iyaga ka maamul ahaan aysan waxba arkin laakiin ay maqleen arintaas islamarkaana ay ka aqristeen internetka uuna filaayo inuu ahaa qof caadi ah oo ay iftiinka kamarada iyo nalalku ay muuqaas u yeeleen, Sidoo kale ayaa madaxa xarunta telefishinada ee magaalada Madiina Saad Awfi ayaa sidoo kale waxaa u ku sheegay qofkaas inuu ahaa qof caadi ah oo ay muuqaas aan caadiga ahayn u yeeleen iftiinka nalalka iyo shucaaca ay bixisay kaamiradii duubeysay waqtigaas.

madiina.net

xafiiska wararka muqdishoKacbada-Salaadii-Subaxnimo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>