555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

arsenal oo labo isbuuc u qabatay in theo walcott uu qandaraaska u kordhiyo kooxda

Number of View :192

Arsenal ayaa dooneysa inay mustaqbalka waqtiga dheer ee Theo Walcott ay ku xaqiijiyeen 15ka maalmood ee soo socda.

Madaxda kooxda ayaa lagu wadaa inay wajiga labaad oo wadahadalo rasmi ah la gasho Theo Walcott iyo wakiiladiisa 14ka maalmood ee ee socda.

Arsenal ayay sii kordheysaa niyadsamida ay ka qabto in heshiis la gaaro. Daily Mail ayaana sheegeysa in 23 jirkaan uu isaga laftiisa uu doonayo inuu joogo.

Laakiin heshiiskii ay Arsenal soo bandhigtay 28kii August ee ahaa 75 kun ginni isbuucii ayay tahay in wax lagu darro, halka Walcott uu sidoo kale doonayo in loo xaqiijiyo in si joogta ah looga ciyaarsiiyo booska gooldhaliyaha.

Xiddiga England ayaa doonaya lacag ku dhow 100 kun ginni isbuucii mushahar ah, laakiin waxaa la rumeysan yahay 85 kun ginni ama 90 kun ginni inay labada dhinacba ku qanci karaan.

Dhanka kale Arsenal ayaa isbuucaan u dhaqaaqi doonta inay la soo wareegto weeraryahanka da’da yar ee Crystal Palace Wilfried Zaha.

Gunners ayaana dooneysa inay kordhiso lacagtii ay markii hore doonayeen inay kula soo wareegaan da’ yarka England.

Arsenal ayaa markii hore qorsheysay inay 8 milyan ginni ku furaan dalabka 20 jirkaas, laakiin waxa ay haatan ka fiirsanayaa inay kordhiyaan lacagtaas si ay u hubiyaan soo xerogelinta Zaha.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdishoarticle-2254717-16B044A3000005DC-441_634x380

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>