Number of View :50
Tababaraha naadiga Arsenal Arsene Wenger ayaa isna fikirkiisa ka dhiibtay arinta dhalisay muranka xoogan oo ah in tababare Sir Alex Ferguson oo ka bad baaday ganaax culus kadib markii uu aflagaado iyo
argagax galiyay garsoorihii dhex dhexaadinaayay kulankii Man United iyo New Castle, xiriirka kubada cagta dalka England (FA) ayaa iska cafiyeen tababare Ferguson inkastoo uu aflagaado u geestay garsoore
Mike Dean balse tababare Arsene Wenger ayaa aaminsan in Sir Alex la ganaaxo wuxuuna yiri “ marnaba uma dhaqmi sidaas oo kale xitaa hadii aan aad u caroodo waxaan wanaagsanaan laheed in Ferguson ciqaabtiisa la mariyo waayo wuxuu ku kacay fal kubada cagta lid ku ah”
Mr. Wenger isagaba sanadii 2009 ayaa karaka cas u taagay garsoore Mike Dean kadib markii uu laad ku qaaday caaga biyaha markii Wenger lasoo xasuusay falkaas wuxuu yiri “maya aniga wixii aan sameeyay lama mid ahan falkii uu Ferguson ku kacay waayo aniga shaqsi ahaanteyda ayaan u carooday qofna wax dhibaato ah uma geesanin hada kaibna lagama yaabo” Ugu dambeyntii Wenger ayaa ugu baaqay dhamaan tababarayaasha Premiership-ka inay dulqaad sameeyaan sidoo kalena ay xakameeyaan dareenkooda wuxuuna yiri “ama aniga aan noqdo ama Ferguson xitaa qof walbo oo Premiership-ka macalin ka ah waxaa ka weyn sharciga sidaa darteed dhamaanteen waxaa wanaagsan inaan wada dhowrno sharciga waxaana rajeynaa in hada kadib aysan dhicin falkaas oo kale”
madiina.net
madiina.net@hotmail.com