555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

ashley cole oo heshiis cusub u saxiixi doono chelsea

Number of View :847

Daafaca gadoodka ka ah chesea Ashley Cole ayaa ogolaaday inuu heshiis cusub oo hal sanno ah u saxiixo kooxda Chelsea, sida ay ogaatay Sky Sports.

Warkaan ayaa waxa uu soo gabagabeynayaan wararkii ku saabsanaa in daafaca bidix ee England uu si xor ah ku baxayo xagaaga marka uu qandaraaskiisa dhaco.

Waxaa lala xiriirinayay kooxaha Real Madrid iyo Paris Siant-Germain laakiin waxa uu go’aansaday inuu sii joogo kooxdii uu ku soo biiray 2006dii, iyadoo la filayo inuu heshiiska cusub ee qalinka ku duugo ka hor talaadada.

Daafaca oo 99 kulan u saftay xulka England ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Chelsea ee Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore ka qaaday Champions League, sidoo kale waxa uu Chelsea la qaaday hal Premier League, afar FA Cup iyo League Cup.

Saaxiibkiisa Frank Lampard ayaa isna sidoo kale uu qandaraaskiisa dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu isaga u muuqdaa inuu ka tagayo kooxda galbeedka London.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdishoashley_cole_chelsea_training_N2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>