Number of View :94
Xidiga reer Chile Artur Vidal ayaa diyaar u ah inuu sanadka cusub 2013 kooxdiisa ka caawiyo sidii ay ugu guuleesan laheed 3-koob ay cayaareyso, Juventus haatan Serie A-da iyada ayaa hogaanka u hayso sidoo kalena Copa Italia wareega 8-aad ayay joogtaa halka koobka horyaalada Yurub ay ku began tahay naadiga Celtic wareegiisa 16-aad sidaa darteed kubad bur buriyahan ayaa u hanqal taagayo inuu kooxdiisa la qaado 3-koob madaama uu ka mid yahay xidigaha Juventus dhaqaajiyo.
Vidal xili cayaareedkii hore wuxuu kooxdiisa kula guuleestay Serie A-da waxayna Juve xiligaas 10.5-milyan oo euro ah kaga soo iibsatay naadiga Bayer Leverkusen balse kubad bur buriyahan lacagihii laga soo bixiyay mar hore ayuu kasoo dhalaalay wuxuuna markan diyar u yahay inuu Juve guulo taariikhi ah la qeebsado asigoo ka hadlaayo rajada sanadkan cusub ay kooxdiisa leedahay wuxuu yiri “waxaan doonayaa
markale inaan Juve kula guuleesto Scudetto, kadibna waxaan rabaa inaan ka caawiyo ku guuleesiga koobka horyaalada Yurub sidoo kalena rajada aan ku qaadi karno Copa Italia lugteena ayay ku xiran tahay sidaa darteed sanadkan cusub muhiim ayuu inoo yahay”
Vidal oo la hadlaayay Radio ADN wuxuu yiri “aadban ugu faraxsanahay inaan Juventus ka mid ahay sidoo kalena kooxdeyda sanadkii hore waxaan kula guuleestay horyaalka iyo Italian Super Cup balse weli baahi weyn ayaan u qabaa inaan koobab farabadan kula guuleesto” Artur Vida iyo Mirko Vucnic waa labada xidig ee ugu goolasha badan naadiga Juventus sanadkan 2012 waxayna kooxdooda u dhaliyeen min 14-gool
madiina.net
madiina.net@hotmail.com