Number of View :43
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu shir uga socdaa xarunta gollaha shacabka magaalada Muqdisho, iyaga oo kulankooda uga doodaya ama uga wada hadllaya ajande la xiriira guddiyada ka kooban 16 ee uu yaalanayo baarlamaanka sida ay warbaahinta u sheegeen xildhibaanno ku sugan madasha shirka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa uu xildhibaannada hor dhigo 16 guddi hoosaadyo ee la filayo in uu baarlamanka yeesho si markaa ay xildhibaannadu go’aan uga gaaraan.
Xildhibaannada ayaa lagu waramayaan ay hadda arintaa dood ka leeyihiin islamarkaana talooyin ka dhiibanayaan.
Xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan fasax-galaan, sida daraadeed waxaa la filayaa in maalmaha soo socda sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjaraan dooda gudi hoosaadyada.
madiina.net@hotmail.com