Number of View :132
Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxaweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ugu sameeyay casho sharaf lagu sagootinyay xildhibaanada nasashada gelaya kadib markii laxiray kalfadhigii 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.
Intii ay socotay casho sharaftaasi ayaa waxaa laga dahwaajiyay arin si aad ah ay u soo dhaweyndoonaan xildhibaanadii hore ee dalka kuwaas oo kujaha wareersanaa qaabka ay xuquuqdooda dowlada uga heli karaan.
Pro. Maxamed Cumar Dalxa oo ah mudane baarlamaan ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday qaabka loo baahanyahay in loo wajahayo xuquuqda ay leeyihiin xildhibaanadii hore.
Dalxa ayaa yiri, “Wax waliba eber kama bilaawdaan, shaqada aan hada heyno rag ayaa horay usoo weday, waxa ayna mudanyihiin in laxasuusto, hadii aan laxasuusan inagana nalama xasuusan doono mustaqbalka, Waxaa jira xildhibaanno xanuunsan, kuwa xubnahooda kuwaayay weerarro siyaabo kaladuwan loogu qaaday, qaar geeriyooday oo agoon ay katagen ay joogaan, dhamaan waxa ay leyihiin xuquuq, waana in madaxweyne ay helaan”.
Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu isna dhankiisa ka hadlay arinta ku aadan xuquuqda xildhibaanadii hore, waxa uuna sheegay in dowladu intii karaankeeda ay hiigsan doonto qabashada wax kasta oo aasaasi ah inkasta oo uusan afka ku dhufan in ay xildhibaanadaasi hore ay xuquuq siin doonaan.
Arintaan waxa ay ku soo beegmeysaa xilli gudaha dalka Soomaaliya ay ku suganyihiin xubna horay uga mid ahaa baarlamaanadii hore kuwaas oo in badan oo kamid ah ay xilligaan afka iyo gacanta isla la’yihiin.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com