Number of View :114
Weerar aan la ogeyn kooxaha soo qaaday ayaa habeenimadii xalay loo geystay saldhiga ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Saldhiga degmada Shalanbood ee gobolka shabeelaha hoose xiligii weerarka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,oo xiligaa waardiyo ku jiray.
Lama qasaaraha sida uu yahay,laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in 7 ka mid ah askartii goobta ku sugneyd ay waxyeelo soo gaaray,waxaana la sheegaya inay jiraan dhaawacyo daran.
Ciidamo badan oo ku sugnaa saldhiga meel aan ka fogeyn ayaa la sheegay inay goobta soo gaaray,durbana ay ku dhaqaaqeen baaritaano ay ku baadigoobayaan dadkii weerarka ka dambeeyay.
Masuuliyiinta maamulka Shalanbood ayaa sheegay in dadka falka geystay ay ku raadjoogaan,iyagoo sheegay in weerarka ay fuliyeen dhalinyaro la qalday sida ay hadalka u dhigeen.
Dagaalo qasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo.
Duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Alshabaab uu ka dhacay halkaasi.
Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud oo ka mid ah deegaanada gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidamada dowlada weerarka ay ku qaadeen fariisin Alshabaab ay lahaayen.
Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay iyo dadka deegaanka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud.
Sida wararka aan ku helayno dagaalka dhaawacyadii kasoo gaaray dhanka dowlada iyo dadka shacabka ah ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Ma jiro labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi wax hadal ah oo kasoo baxay oo ay kaga hadlayaan dagaalka iyo waxyaabaha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
madiina.net@hotmail.com