555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Banaanbax Maanta Kadhacay Degmadda Burtinle Ee Gobalka Nugaal

Number of View :491

11Gamaaladda Burtinle ayaa waxaa soo gaaray musharx Maxamed Maxamuud Dhuuke oo kamid musharixiinta xilka madaxnimadda ee Dowladda Puntland.

Musharax ayaa waxaa aad loogu soo dhaweeye Magaaladda Burtinle ayada oo halkaas uu ugu khudbeeyey Taageero aad u fara badan oo halkaas isugu soo baxay, kuwaas oo watay boorar ay ku daabacan yihiin Oraaho Soo dhawayn ah iyo kuwo lagu diidan yahay in ay xukuumaddu xilka kororsato.

Mudanaha ayaa dhalkaas dadka kula hadlay waxaana uu uga war bixiyey wax qabadka uu maagan yahay hadii xilka uu qabto isaga oo balan qaadyana halkaas ku sameeyey, waxaana uu dadka burtinle kula balanmay taageero yoisku xirnaan.

Musharax ayaa kulamo gooni gooni waxaa uu laqaatay Dadweynaha magaaladda Burtinle, isaga oo kulankii ugu horeeye layeeshay dhalinyaradda Dagmada, waxaana uu dhalinyaradda Sportiga u balan qaaday in uu uqaban doono Koobab isadaba jooga, waxaa kale oo uu u balan qaaday in ay doorkoodii dhalinyaro heli doonaan hadii uu xilka qabto.

Dhinaca kalana waxaa uu kulan qado ah la qaatay odayaasha deeegaanka, waxaana ay ka wada hadleen sidii laaga wada shayn lahaa in isaga la taageero Xukuumadda wakhtigeedu dhamaadayna loogu qancin lahaa in ay xilka isaga dagto oo doorasho qabato.

Isku soo wada duuboo waxaa ay manta dadka reer Burtinle mujiyeen sida ay ugu baahan yihiin in ay helaan isbadal siyaasadeed, balse ay u doonayaan in aan wax bur bur ah ka dhicin wadan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>