Number of View :168
Madaxweynaha AC Milan Silvio
ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee ku saabsan in kooxdiisa ay la soo wareegi karto Mario Balotelli, isagoo ku tilmaamay weeraryahanka Manchester City “tufaax qurmay”.
Waxaa la filayay in Balotelli uu bedeli doono booska uu baneeyay Alexandre Pato iyo Robinho oo isna la filayo inuu bishaan ka tago kooxda, laakiin 76 jirkaan ayaa si rasmi ah taas meesha uga saaray.
“Magaca Balotelli niyadeyda marnaba ma uusan soo gelin, waa tufaax qurmay waxaana uu waxyeeleyn karaa koox kasta oo uu aado, xitaa Milan” ayuu Berlusconi u sheegay suxufiyiinta.
Berlusconi ayaa sidoo kale diiday inuu ka hadlo mustaqbalka tababare Massimiliano Allegri, isagoo sheegay inuusan hubin inuu sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda, laakiin waxa uu qirtay inay jirto fursad yar oo ay ku keensadaan tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola.
“Waxaad i weydiineysaa in Allegri uu joogi doono xilli ciyaareedka soo socda? Waxaad dooneysaa inaan runta ka hadlo? fadlad, i weydii su’aasha xigtaa…”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan mar walba isku dayayay inana keeno Guardiola Milan, sababtoo ah sannadihii u danbeysay Barcelona waxa ay ciyaareysay kubada ugu fiican.
“Ilaa sannadkii hore kooxdeena waxa ay heysatay ciyaaryahano waa weyn oo ciyaari karay qaab ciyaareedka Guardiola, laakiin haatan fursada uu halkaan ku imaan karo waa yar tahay.”ayuu hadalkisa kuso af jaray berlusconi.
madiina.net
xaiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com