Number of View :126
Maxkamad ku taalo Koonfur bari dalka Yemen ayaa la soo taagay Seddex dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay ahaayeen burcad badeeda Soomaali ah,iyagoona lagu xukumay xukuno sanado ah,sida ay baahisay wakaalada wararka dalkaasi Yemen Saba.
Maxkamada ayaa 3-daan Shaqsi Soomaaliyeed ku kala xukuntay 10-sano midkiiba,ka dib markii ay ku kaceen danbi ah inay afduub u geysteen dooni mareysay biyaha Gacanka Cadmeed.
Wakaaladda wararka ee dalka Yemen SABA ayaa waxay shaacisay in dhallinyaradan Soomaaliyeed lasoo qabtay sannadkii 2011, markaasoo lagu eedeeyay inay afduubeen doonni Kalluumeysi iyo dooni dalxiis iyagoo adeegsanaya doonni dalka Yemen laga leeyahay.
Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukumay dhallinyadan inay bixiyaan 750,000 oo riyaal oo u dhiganta 3,492 doollar oo lagu sheegay lacagtii uu Kalluumeysiga ka heli lahaa doonida ay afduubka ku geysteen muddadii ay afduubka ku haysteen.
Ciidamo aad u hubeysan oo isticmaalaya doonyo dheereeya ayaa ka howlgalaya biyaha gacanka cadan,kuwaasi oo weeraro joogta ah ku qaada kooxaha burcad badeeda Soomaalida,iyagoona roondo joogta ah ka wada xeebaha gacaka cadan.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho somalia
madiina.net@hotmail.com