555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

c.ronaldo oo doonaya inuu ku laabto man united

Number of View :549

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ku laabto Manchester United, sidaasi waxaa ku waramaya saxaafada Britian.

Wargeyska The Sun ayaa sheeganaya ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal inuu u sheegay saaxiibo iyo ciyaartoy hore ay iskula ciyaareen, inuu doonayo inuu ku laabto Manchester.

Arintaan ayaa imaaneysa maalin ka dib markii Patrice Evra iyo Sir Alex Ferguson ay qirteen inay jeclaan lahaayeen inay Ronaldo ku arkaan Old Trafford mar kale.

Si kastaba, heshiis lagula wareego 27 jirkaan ayay badan tahay inaysan macquul aheyn, madaama lacagta badan ee dulsaaran xiddigan oo lagula soo wareegay lacag rikoor ah.

Real Madrid ayaan dooneynin inay iibiso, hadii ay koox isku daydo inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa waa inay bixiyaan hal bilyan euro oo lagu xiray qandaraaskiisa oo ay ka harsan tahay labo sanno iyo bar.

Wargeyska Ingariiska ah ayaase aaminsan in Los Blancos ay qaadaneyso 150 milyan euro hadii loo soo bandhigo, iyadoo Ronaldo uu lix sanno u soo ciyaaray Red Devils.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Cristiano+Ronaldo+and+Sir+Alex+Ferguson+

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>