555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Caado-dhaqameedka Istunka oo mudo dheer kadib lagu qabtay degmada Afgooye

Number of View :276

egmada Afgooye oo ay mudo dheer maamulayeen kooxda Al-shabaab, waxaa laga mamnuucay dhaqmo iyo isku soo baxyo caado u ahaa dadka reer Afgooye gaar ahaan caado-dhaqameedka Istunka oo mudo dheer aan lagu qaban degmada.

Laakiin Tartan dhinacyo badan isugu jira oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhalinyarrada SYL II iyo maamulka degmada Afgooye ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay degmada, kaasoo isugu jiray cayaar kubada cagta ah iyo cayaar dhaqameedka Istunka oo mudo hore ugu danbeysay dadka degmada.

Tartankan ayaa ahaa mid qeyb ka ahaa is dhex galka bulshada, waxaana qaban qaabiyeyaasha ay ugu tala galeen sidii ay ugu dhiira gelin lahaayeen jiilka soo koraya ciyaaraha caada dhaqameedyada ee ay caanka ku aheyd degmada Afgooye.

Waxaa u soo daawasho tagay tartanka gaar ahaan cayaarta Iskunka dadweyne aad u faro badan oo mudo dheer ay cayaartaas ugu danbeysay, waxaana la arkayay dhalinyarro si gaar ah loo soo xulay oo u sita Ulo aan dhibaato badan geysaneynin oo cayaartaas ka wada qeyb-galaya.

Gudoomiyaha degmada Afgooye C/laahi Cabdi Iideey ayaa sheegay in tartamada ceynkan oo kale ay ka qeyb qaadanayaan is dhex galka bulshada iyo nabada, waxaana uu tilmaamay in ciyaarayahan ay horu dhac u yihiin caado dhaqameedka Istunka ee dhowaan ka dhici doono degmada Afgooye.

Sidoo kale waxaa tartanka qeyb ka ahaa cayaar lagu magacaabo Dhari Jabis oo siweyn u soo jiidatay idhaha iyo dareenka dadkii u soo daawaho tagay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>