555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

caawa iyo fifa ballon d’orr

Number of View :650

Abaalmarintan oo loo arko inay tahay tan ugu muhimsan uguna weyn ee shaqsi uu ku guuleysto kubada cagta caalamka, Ballon d’Or waxaa aasaastay majalada France Footnall sannadkii 1956dii iyadoo abaalmarinta la siin jiray xiddiga ugu fiican qaarada yurub sannad kasta.

2010kii waxaa la isku daray abaalmarinta Ballon d’Or iyo abaalmarinta Fifa World Player of The Year iyadoo laga dhigay FIFA Ballon d’Or oo ay u codeeyaan joornaaliistayaal, tababarayaasha xulalka qaranka iyo kabtanada xulalka qaranka, waxaana haatan la siiyaa ciyaaryahanka ugu fiican kubada cagta caalamka.

Abaalmarinta oo la bixin doona caawa xaflad ka dhaceysa Zurich ayaa waxaa ku tartamaya seddexda ciyaaryahan ee isagu soo haray xiddiga Barcelona Lionel Messi oo ah ninkii ku guuleystay abaalmarinta laacibka sannadka adduunka seddexdii sanno ee ugu danbeysay, kubadsameeyaha Barcelona Andres Iniesta iyo xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa indhaha ku haya inuu hanto abaalmarinta Ballon d’Or markii labaad ee mustaqbalkiisa ciyaareed isagoo hore u soo qaaday 2008dii, halka Iniesta oo dhowr jeer ka mid noqday seddexda ciyaaryahan ee tartanka baalmarinta isagu soo harta uusan weli ku guuleysan.

waxaana barnaamijkeena tooska ah bilaabi doonaa 8:30 p.m xilliga Soomaaliya.fifa

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>