555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Cabdi qaadir Max’ed Nuur Siidii:Qorshihii Al Shabaab looga saaraayay deegaanno iyo degmooyin ka Tirsan Gobolka Sh/Hoose oo Soo Idlaaday

Number of View :207

Cabdulqaadir Max’ed Nuur Siidii oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegey in uu soo gabagaboobay qorshe maalmahaanba socday taas oo Al-shabaab loogu Saaraayo Gobolka Shabelada Hoose deegaanada ay kaga sugan yihiin.

 

Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Cabdi qaadir Max’ed Nuur Siidii oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho aya sheegey Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay soo idlaatay qorshihii Al Shabaab looga saaraayay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi oo gacanta ay ku hayaan Ururka Al Shabaab.

 

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Gobolka ay soo gaarayaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo dhawaan tababar loogu soo gaba gabeeeyay dalka Uganda oo ay wehlinayaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ciidamadaasi oo uu sheegay in la doonayo in ay cagta Mariyaan Ururka Al Shabaab ee weli maamulaya degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

 

Sidoo kale Cabdi qaadir Siidii Guddoomiyaha Maamulka dowladda Sh/hoose ayaa waxa uu tibaaxay in dadka ku nool deegaanada Al Shabaab ay Maamulaan ay dhibaato ku hayaan Kooxa Ka tirsan Al Shabaab isagoona sheegay in dadkaasi ay dowladda gacan ka siiyaan Ka saarista Al Shabaab deegaanada ay kaga suganyihiin gobolkaasi. Maamulka Gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa marar badani ku cel celiyay in Al Shabaab laga saari doono deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>