555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

carlos tevez:waxan uga digayaa balloteli inu sameeyo qaladkii aan aniga sameeyey oo kale

Number of View :1180

Weeraryahanla xulka aregntina iyo kooxda manchester city Carlos Tevez ayaa uga digay Mario Balotelli inuusan sameyn qaladaad uu isaga soo sameeyay hadii uu weeraryahanka reer Italy doonayo inuu mustaqbal ku yeesho Manchester City.

Tababaraha City Roberto Mancini ayay u muuqataa inuu sabarkii ka dhamaaday ka dib markii isaga iyo Balotelli ay isku jiidjiideen garoonka tababarka isbuucii hore, waxaana uu diyaar u yahay inuu iska iibiyo hadii fursadaas ay soo baxdo.

Tevez ayaa isaga laftiisa dhowr jeer qarka u saarnaa inuu ka tago City, isagoo ku eedeeyay Mancini inuu u la dhaqmo sida eygii ka dib dhacdadii Munich ee xilli ciyaareedkii hore, laakiin weeraryahanka reer Argentina ayaa haatan ku soo laabtay sidiisii hore waxaana uu dhaliyay goolkii koowaad ay 3-0 kaga badiyeen Watford koobka FA Cup.

Balotelli ayaa sidoo kale ciyaaray markii ugu horeysay lix ciyaarood isagoo bedel qeybtii labaad ku soo galay kulankaas FA Cup, waxaana Tevez uu aaminsan yahay in 22 jirkaan uu weli mustaqbal ku leeyahay City hadii uu raaco talooyinkiisa garoonka dhexdhiisa iyo banaankiisaba.

“Xaaladiisa oo kale ayaan mar ku jiray, waxaana mar walba doonayaa inaan caawiy, si uu uga gudbo xaaladahan oo kale oo uusan u sameynin qaladaadkii aan soo sameeyay” ayuu yiri Tevez.

“Waxaan isku dayaa inaan caawiyo. Waxaan u la hadlaa si shaqsi ah garoonka dhexdiisa ama banaankiisa. Waxaan la hadlayay ka hor inta aanan laad xor ah tuuranin. Waxaan u ogolaaday inuu isaga tuuro madaama ay kor u qaadi karto kalsoonidiisa, si xaaladiisa ay u soo hagaagto.”ayuu hadlakisa ku so gabagabeeyey carlos tevez.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdishoa_Balotelli-Tevez_200

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>