555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

cassilas oo dadaal u jira sidii ugu soo laaban lahaa line-upka

Number of View :461

Goolhayaha Real Madrid iyo Kabtanka kooxda Iker Casillas ayaa sheegay in uu halgan ugu jiro sidii uu ugu cadeyn lahaa tababre Mourinho in uu u qalmo in booskiisii dib loogu soo celiyo kadib markii keydka la geliyay kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxda Real Madrid la ciyaartay Malaga.

Go’aanka kediska ah ee uu qaatay Mourinho oo uu ku ciyaarsiiyay goolhayaha keydka ee aan waayoaraga ahayn Antonio Adan ayaa dhalisay inay soo baxaan warar sheegaya in uu khilaaf ka jiro kooxda Real, waxayna kooxdu dhadhamisay qaraarka guuldarada markii 3-2 loogaga badiyay taasna ay ceel ku sii riday rajadii ay qabtay Real Madrid inay ku difaacato horyaalka ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay.

Iyadoo kala barka xilli ciyaareedka lagu jiro ayna Real Madrid martigelinayso Real Sociedad Axada ayaa waxa ay ka hooseysaa toddobo dhibcood kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid halka uu faraq 16 dhibcood ah u dhexeeyo kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

“Waa inaan halgan u galaa sidii aan dib ugu soo ceshan lahaa booskeyga,”ayuu Casillas ka sheegay shir jaraa’id iyadoo ciyaaryahanada Real ay markii ugu horeysey tababarka qaateen sanadka cusub ee 2013.

“Taasi waa ujeedadayda waxana aan ku rajo weynahay in tababaruhu uu igu soo dari doono kooxda ku bilaabanaysa garoonka Axada,”ayuu sii raaciyey ciyaaryahanka xulka qaranka Spain.

“Tan muhiimka ah ayaa ah in 11ka ciyaaryahan ee uu tababaruhu soo saaro ay dadaal badan sameeyaan. Sharciga iyo kooxdaba waa ay ka horeeyeen Casillas.”

Mourinho kooxdiisa ayaa waxa ay lumiyeen dhibcooyin ka badan intii xilli ciyaareedkii hore ee ay guusha gaareen,waxana ay guuldaro la kulmeen afar jeer iyagoo saddex jeerna barbaro galay halka Barca weli aysan guuldaro la kulmin 17 kulan oo ay ciyaareen.

Kulanka kaliya ee ay guuleysan waayeen ayaa ahaa kii barbarada 2-2 ahaa ku dhamaaday ee ay bishii Oktober wada ciyaareen Real waxayna kooxda Barca raadinaysaa guusheedii 11aad ee isku xigta marka ay martigeliyaan Axada soo socota kooxda Espanyol.

Casillas ayaa beeniyay in wax muran ah uu ka dhex jiro kooxda waxana uu sheegay in dadaal dheer ah u geli doonaan sidii ay guulo ku gaari lahaayeen inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho158430961_crop_exact

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>