Number of View :111
Chelsea ayaa ku dhow inay daaho ka qaado weeraryahan Demba Ba oo ay kula soo wareegayaan 7.5 milyan ginni, iyadoo Inter Milan ay dooneyso inay kala wareegto Frank Lampard.
Xiddiga Senegal Demba Ba ayaa ogolaaday heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 75 kun ginni.
Tababaraha Newcastle Alan Pardew ayaa yiri: “Waa heshiis dhacay, waxa uu aadi doonaa Chelsea isagoo ducadeena qaba.”
Halyeeyga Blues Lamps ayaana loo sheegay inuu iska baxo. Kooxda Inter Milan ayaa diirada saareysa xiddiga reer England oo 34 jir ah, waxaana ay u arkaan bedelka Wesley Sneijder oo kooxda ka tagaya.
Xiddiga reer Holland ayaa lala xiriirinayay Manchester United, Spurs iyo Liverpool tan iyo markii ay isku dhaceen Inter.
Demba Ba oo 27 jir ah ayaa u safray xalayto London ka dib markii ogolaansho loo siiyay inuu la hadlo Chelsea.
Blues ayaa dooneysa in heshiiska la soo gabagabeeyo ka hor kulanka sabtida ee FA Cup ee ay la ciyaarayaan Southampton.
Arinta kaliya ee caqabad ku noqon karta heshiiska Demba Ba waa taam ahaanshihiisa.
Ba ayaa ku dhacay tijaabada caafimaadka Stoke labo sanno ka hor, madaama uu dhibaato ka qabo jilibka. Laakiin ma uusan seegin hal mar tababarka Newcastle.
Ba ayaa ugu dhaqaaqay Newcastle si xor ah ka dib markii West Ham loo celiyay heerka labaad 2011.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com