555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Ciidamo Itoobiyaan ah oo adkenaya amniga guddoomiyaha cusub ee gobollka Bay

Number of View :184

Kadib xiisad la sheegay in ay ka dhalatay magacaabista maamulka cusub ee gobolka Bay, ayeey wararka ka imanaya magaalada Baydhabo sheegayaan in amniga guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobollkaas la wareegeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in talabada ay qaadeen ciidamada Itoobiya kadib markii kooxo hubeysan oo daacad u ah guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday isku dayeen in ay gudaha u galaan Hotelka uu magaalada ka degan yahay guddoomiyaha cusub Cabdi Aadan Hoosow.

Xiisad ka dhalatay arintaa ayaa waxaa oo fara-galiyay ciidamada Itoobiya, kuwaasoo isku gadaamay islamarkaana adkeynaya amniga Hotelka uu degan yahay guddoomiyaha cusub ee gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka taagnaa xiisad ka dhalatay maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka, iyadoo magaalada ay wada joogaan labo gudoomiye oo xilka wada sheeganaya, lamana oga qaabka dowlada Somalia ay u xalin doonto xiisadan cusub.

Ilaa iyo hadda ma jirto talaabo cad oo ay dowladda ka qaaday guddoomiyihii hore ee C/fitaax Ibraahim Geesey oo si cad uga soo horjeesatay magacaabista dowladda Soomaaliya ee maamulka cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>