555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Ciidamo ka tirsan Soomaaliland oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Haregeysa

Number of View :291

Ilaa shan ka tirsan askarta ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ayaa ku geeriyootay shil gaari oo shalay ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Barbara iyo Hargeysa.

shil-300x225

Sidoo kale waxaa ay wararku intaa ku darrayaa in ay shilkaasi ku dhaawacmeen ilaa 26 askari oo ka tirsan ciidamadii la socday gaariga shilku ku dhacay, kuwaasoo la dhigay goobaha caafimaadka.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha maamulka Soomaaliya Max’ed Nuur Caraale Duur ayaa ka tacsiyeeyay shilka ku dhacay ciidamada baliiska Soomaaliland, waxaana uu sheegay in uu shilkani yahay kii ugu xumaa ee ciidamada soo mara.

Gaariga shilka galay ayaa la sheegay in uu ku qalibmay ama ku gadoomay meel wax ka yar 10-km u jirta magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada baliiska Soomaaliland.

Shilalka inta badan ka dhacay deegaannada maamulka Soomaliland ayaa bilihii ugu danbeeyayba ahaa kuwo soo kordhayay, waxaana xusid mudan in kol hore sidan oo kale shilal uga dhacay deegaanno kala duwan ay ku dhinteen siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>