555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xogga dalka Somaliya oo Tababar loogu soo xiray dalka Uganda

Number of View :112

Waxaa dhawaan Dugsiga Tababarka  Ciidamada ee Bihaangga Tababar Milaterinimo loogu soo gaba gabeeyay Shan Boqol oo Askeri oo ka tirsan Ciidamada Milateriga  Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay Tababarkooda oo muddo Lix Bilood ah ay u joogeen Dalka Ugandha uu haatan u soo gaba gaboobay isla markaana la filayo in dhawaan ay dib ugu soo laabtaan Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadaasu marka ay soo gaaraan gudaha dalka Soomaaliya in loo furi doono Tababar  wacyi gelin ah oo muddo shan iyo afartan Casha ah.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidankan ay ka qayb qaada doonaa sugidda ammaanka iyo dib u soo celinta Dawladnimadii Soomaaliya lagu yaqaanay.

Fiqi ayaa hoosta ka Xarriiqay in Ciidamadaasi dhamaanba loo diyaariyay Mushaaraadkooda. Raashiinkooda iyo Daryeelkoodaba isagoona meesha ka saaray inaan la ilaabi doonin daryeelka Ciidanka iyo Xuquudoodaba.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in tababarkan ay gacan ka gaysteen dawladaha Midowga Yurub iyo Maraykanka oo qudhiisa gacan ku lahaa Tababarka Ciidankaas.

Dalka Ugandha ayaa waxaa ku taala Xero Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya Xeradaas oo lagu magacaabo Bihaanka halkaasoo dhowr Dufcadood oo Ciidamada ahi ay hore Tababaro ugu soo qaateen Ciidamo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>