555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Daawo Sawirada Madaxwaynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

Number of View :823

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay waxa ay gaareen Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar.

Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen Magaalada Qaahira ayaa ah ka qeybgalka Shirka Wadamada Islmaamka ee OIC kaasi oo ka dhici doona Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Shirka OIC ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Madaxda wadamo ka badan 60-dal waxaana la filayaa in qaar kamid ah uu la kulmo hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayo ee gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Farax C/qaadir, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dr. Maxamed Nuur Gacal, La taliyaha Madaxeynaha ee xagga Amniga Qaranka C/Raxman Sh. Ciise iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamal Dahir.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka soo Ambabaxay Magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasi oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Dived Cameron kaasi oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal.

madaxwayne_qaahira_1 madaxwayne_qaahira_2 madaxwayne_qaahira_3 madaxwayne_qaahira_4

Comments are closed.