Number of View :286
Waxaa Maanta isku qarxiyay Hoyga uu ka daganyahay Madaxtooyada Soomaaliya Raysul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid nin naftii halige ah.
Hadaba Qaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninkan uu katirsanaa Al-Shabaab 14-kii Bishan Janaayana uu iska soo dhiibay Degmada Wanlaweyn isaga oo watay Qori AK-47 iyo Bistoolad.
Wuxuu sheegay Taliyaha in ninkani Maanta is qarxiyay ay ku wadeen Dabagal isla markaasina ay ku raadjoogeen arimihiisa gaarka ah wuxuuna xusay maanta inuu is qarxiyay.
Taliyaha waxa uu xusay in Ninkan uusan katirsaneen Hay’ada Nabad Sugida walina ee ku wadeen baaritaano xaqiijin ah waxa uu ahaa balse uu Maanta isku qarxiyay qeyb kamid ah Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
madiina.net@hotmail.com