Number of View :160
Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamadda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku garab ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Dagaalkani ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Hiiraan wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dalka Kenya ee qeynta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom ay weerar culus ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen ururka alshabaab ee dagaalada ka wada gobolka Gedo.
Dadka goobjoogayaasha ah ayaa soo sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalak wadanka Kenya gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca ee Helikobtariska kuwaas oo lasoo sheegayo iney duqeyn ba’an ku hayaan goobaha uu dagaalka fool ka foolka ah uu ka soconayo,ilaa hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka oo wali socda awgii.
Saraakiil ka tirsan Dowladda oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay dagaalkaasi inay khasaare ku gaarsiiyeen Xarakada Al-shabab, waxaana ay sheegeen inay dhawaan soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
madiina.net@hotmail.com