Number of View :95
agaal mudo kooban socday islamarkaana sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada dowladda iyo Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-shabaab ku dhaxmaray deeganno hoos taga degmada Ceel-waaq ee gobolka Gado.
Dagaal oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa guulo ka sheegtay saraakiisha ciidamada dowladda oo sheegay in khasaare xoog leh gaarsiiyeen Al-shabaab.
Sarkaal u hadllay ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalku uu dhacay kadib markii ay ciidamada dowladda wadada u galeen gaari ay la socdeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo doonayay ayuu yiri in ay weerar ku qaadaan ciidamada dowladda.
‘’Ciidamada waxaa ay fashiliyeen oo ay ka hor tageen weerar ay damacsanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaan goobta ku dillnay ilaa shan ka tirsan kooxihii gaariga la socday,’’ ayuu yiri Col Max’ed Axmed Carab.
Todobaadyadii ugu danbeeyayba deegaano ka tirsan gobollka Gado waxaa ka jira dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
madiina.net@hotmail.com