555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Dagaal kulul oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Number of View :235

Wararka naga soo gaaraya dhanka Gobalka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley saqdii dhaxe dagaal aad u kulul Magaalada Boosaaso uu ku dhaxmarey ciidamada maamulka Puntland iyo Dagaalyahanada Kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo la sheegay iney kasoo duulaan tageen Galgala.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka danbeeyay kadib markii maleeshiyada Shabaab weerar xoogan ay kusoo qaadeen fariisamo ciidamada Maamulka Puntland ay ku lahaayeen duleedka iyo Bartamaha magaalada Boosaaso halkaasi oo mudo saacad ku dhow dagaalka uu ka socdey.

Labada dhinac ee colaada u dhaxeysay ayaa lasoo sheegayaa iney xaley isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana si aad ah dhawaqa rasaasta looga maqlayay Guud ahaanba deegaanada hoostaga magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari wallow markii danbe dagaalka oo istaagey.

Inta la xaqiijiyey 2-ruux oo dhinacada ah ayaa ku dhintey tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen,waxaana markii danbe lasoo sheegayaa in dagaalka uu istaagey,laakin wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya dhanka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaa in Magaalada ay degan tahay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkii kulaa ee xaley ka dhacay magaalada Boosaaso sidoo kale war lagama hayo dhanka shabaab oo ku aadan dagaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>