Number of View :35
Xoolaley ku dhaqan gobalka J/Hoose ayaa waxa ay dagaal kala hor tageen qaar kamid ah dagaalamayaasha Shabaab oo ay isku afgaran waayeen hanti laga doonayay xoolaleydaas oo Shabaab qaadan lahaayeen.
Hantidaan laga doonayay xoola dhaqatada ayaa waxa ay aheyd Zako sida lagu waramay, iyada oo xoolaleyduna ay Shabaabka u sheegeen in ay horay u baxsheen mar kalana aysan ogoleyn.
Dagaalkaan kusaleysan Zeka doonka iyo Zeka diidka ayaa waxaa lasheegay in uu ka dhacay koofurta magaalada Kismaayo halkaasi oo lasheegay in ay ka dhasheen dhaawacyo soo gaaray xoolaleydii kudhiiratay in ay dagaal fool kafool ah lagalaan Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegen in wali ay jirto xasarad kacsanaan ah iyada oo mar kasta lafilan karo dagaal dhex mara dhinacyadii hardamay.
Al-shabaab oo iyagu si aad ah ula yaabay in xoolaley kunool goob ay xoog ku leeyihiin ay dagaal kula dhiiradaan ayaa wax ay wadaan dhaq dhaqaaq xooggan oo ay doonayaan in ay meesha uga saaraan kooxda ku kacday,.
Si kastaba, horay ayaa kooxa badan waxa ay dagaal kala hor tageen Shabaab kadib markii ay isku mari waayeen bixinta Zekada oo dhamaan Shacabku y u arkaan in aysan cadaalad aheyn oo ay tahay Isbaaro qarsoon.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com