555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

david villa meelna uma socda sidaa waxaa saxaafada u sheegay agaasimaha kooxda barcelona

Number of View :699

Gooldhaliyaha reer Spain oo 31 jir ah islamarkaana ah ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan xulka qaranka La Roja ayaan boos joogta ah haatan ka heysan Nou Camp.

Arsene Wenger ayaana doonaya inuu adkeeyo weerarkiisa bisha Janaayo, David Villa ayaana ka mid ah liiska gacanta ugu jira Le Professeur.

Tababaraha Gunners ayaana ku hungoobay isku daygiisii uu kula soo wareegi lahaa Klaas-Jan Huntelaar kaasoo doortay inuu sii joogo Schalke markii uu qandaraaska u kordhiyay ilaa 2015.

Laakiin Villa ayaan isna u baqooli doonin Emirates, sida uu sheegay agaasimaha kubada cagta Barcelona Andoni Zubizarreta.

Waxa uu yiri sida ay qortay Daily Mirror: “Bisha Janaayo waan ceshan doonaa Villa.

“Waa muhim in la xusuusto in Barcelona aysan aheyn koox aqbasha dalabyada u yimaada xiddigaheeda bisha Janaayo.”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey agaasimaha kooxda barca .AI_DavidVillaBarcelona

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>