555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay Socdaan Hawlo la Isugu Diyaarinayo Sidii Xarakada Shabaab Looga saari Lahaa Gobolada Bay iyo Bakool.

Number of View :102

Wasiirka Wasaaradda gaashaan Dhigga dawladda federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji maxamuud Fiqi oo haatan ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda federaalka oo Booqasho ku joogta Gobolka Bay ayaa ka hadlay Qorshaha dawladda eek u aadan Ammaanka Goboladaas.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaakl ay ku Ururinayaan Dhallinyarada ka soo jeeda Goboladaas oo la doonayo in Tababar Ciidan la siiyo si ay u wajahaan Dagaal la qorsheynayo in lagu qaado Dagaalyahanada xarakada Shabaab Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Bay iyo Bakool.

 

Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa sii raaciyay in Dhallinyaradan iminka la soo Ururinayo ay tababari doonaan Saraakiisha Ciidamada itoobiya diyaarna ay la yihiin sidii Dhallinyaradaas loo siin lahaa Tababar Milatery.

 

Cabdixakiim Xaaji maxamuud ayaa ballan qaaday in dhallinyaradaas hadda wixii ka danbeeya aan la dayici doonin oo Mushaarkooda, Dawadooda iyo Raashiinkooda ay balan qaadayso Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka wasaaradda gaashaan dhiigga ayaa ugu baaqay xubnaha ku hawlan soo Ururinta Dhallinyaradaas in ay soo Xulaan Dhallinyaro wanaagsan waa siduu hadalka u yiriye  kuwaas oo uu sheegay in ay wajahayaan Dagaalada la doonayo in lagu qaado Degaanada ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolada Bay iyo Bakool.

 

Hadalkan wasiirka ayaa waxa uu imaanayaa xilli Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dawladda federaalka Soomaaliya ay booqanayaan Gobolka bay kuwaasoo kulamo kala duwan la yeelanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Goboladaas.

 

Ma aha markii u horeeyay ee dawladda federaalka Soomaaliya ay carrabka ku dhufato in Dagaalo ay ku qaadayso Degaanada ay kaga sugan yihiin Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

 

Si kastaba qaybo ballaaran oo ka tirsan Goboladaas ayaa waxaa ku sugan Dagaalyahanada xarakada Shabaab halkaasoo mar walba ay Dagaalo kaga soo qaadan Fariisimada Ciidamada dawladda.

madiina.net

xafiiska wararka

muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>