555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

demba ba oo furay buugiisa goolasha ee chelsea

Number of View :821

Chelsea ayaa si sahlan uga gudubtay wareega 4aad ee FA Cup iyagoo 5-1 kaga talaabsaday kooxda Southampton, xilli Demba Ba uu akoonkiisa goolasha u furay Chelsea kulankiisii ugu horeysay ee uu u ciyaaro.

Southampton ayaa hogaanka ciyaarta qabatay markii Rodriguez u dhaliyay gool, laakiinse waxaa daqiiqadii 35aad u barbareeyay Chelsea Demba Ba oo ku taabtay goolka kubad uu ka soo shaqeeyay Juan Mata.

Demba Ba ayaana kulankaan uu u ahaa kiisii ugu horeysay ee uu u ciyaaro Chelsea isagoo durbaba gool kula dabaaldegayay 35 daqiiqo oo uu ciyaarayay, Chelsea ayaana hogaanka ciyaarta qabatay dhamaadkii qeybtii hore iyadoo gool uu u dhaliyay Victor Mosess.

Qeybtii labaad ayay kooxda difaacaneysa koobkaan halkeeda ka sii waday goolasha daafaca Branislav Ivanovic ayaana goolka seddexaad u dhaliyay daqiiqadii 52aad ka hor inta uusan Demba Ba goolkiiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkii afaraad ee Chelsea dhalinin iyadoo uu kubad ka helay Eden Hazard.

Frank Lampard oo mustaqbalkiisa Chelsea uu mugdi weyn ku jiro islamarkaana bedel ku soo galay ayaa Chelsea u dhaliyay goolkii shanaad oo ahaa mid rigoore ah.

Goolkaas ayaana ahaa goolkiisii 193aad ee uu u dhaliyo Chelsea isagoo barbareeyay ninka labaad ee ugu goolasha badan taariikhda Chelsea, goolkaan ayaa sidoo kale ahaa goolkiisii 25aad ee uu ka dhaliyo koobka FA Cup.

Ugu danbeyn Chelsea ayaa ka talaabsatay si fudud Southampton oo ku garaacday 5-1, una gudubtay wareega xiga koobka FA Cup oo ah koob ay ficaanayaan oo ay qaadeen xilli ciyaareedkii hore.

madiina.net

xafiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>