555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

dhakhtar sheegay in cudur halis ah laga qaado fadhi ku dirirka

Number of View :969

Muxidiin Cabdi Calsoow oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka ku sugan ayaa waxa uu kadigay fadhi kudirirka oo ah caado Soomaalidu ay aad u jeceshahay in ay ka qeyb qaadato.

Dr Muxidiin ayaa waxa uu sheegay in fadhi kudirirku laga qaado cudurro fara badan oo qofka kaqeyb qaadata gaarsiin kara her caafimaadkiisu uu aad u liito, sidaa dartedna loo baahanyahay in laga fogaado inta la’awoodo.

“Fadhi kudirirka cudurada laga qaado waxaa ugu daran dhiig karka oo ah cudur halis ah, doodu marka ay qofka kubadato waxaa imaanaya in cadaadiska dhiigiisu aad u kobco, waxaana kuboorinayaa Soomaalida in ay kafogaadaan fadhi kudirirka maadaama uusan waxba soo kordhineyn”, Muxidiin Cabdi Calsoow ayaa soo jeediyay

fadhi kudirirka oo ah caado ay qabatintay waxaa lagu lafa guraa hadba waxyaabaha markaasi taagan iyada oo Soomaaldu ay isku khilaafo oo qofba dhanka uu rabo uu doonayo in wax loo wado, waxa ayna maraka qaar gaartaa in leeku mari waayo oo gacan kahadal ay arintu u dalacdo iyo in dadka qaar uu cadaadiska dhiigoodu uu sare u koco.

Si kastaba, Caadada fadhi kudirika oo xilligii fowdada si aad ah u soo shaacbaxday, waxaana inta badan ka qeyb qaata dadka shaqo la’aanta ah ee isugu yimaada goobaha dadku ku badanyahay iyada oo ruux waliba oo ka qeyb galayaasha kamid ah uu soo bandhigo waxa ka guuxaya si bulshada inteeda kale uu uga dhaadhiciyo.

madiina.net

xafiiska wararka muqdishofadhi-ku-dirir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>