DOWLADA TALYAANIGA AYAA XIRTAY 55 QOF SOMALI AH
February 3, 2013 - Written by Madiina - Edited byMadiina
Number of View :237

Dowlada Talyaaniga ayaa maamlmahan ku raad joogtay dad ay ku sheegtay in yihiin muhaajiriin Soomaali dadka lacag ka qaata una gudbiya wadamada waqooyiga yurub iyadoona sidoo kale ay sheegeen ciidamada amaanka ee wadanka talyaaniga in ay yihiin kooxdaan koox isku xiran oona ay isku xiran yihiin nairobi ilaa wadankaan talyaaniga sidoo
kale laba nin oo mid isku sheegay in uu u joogay safaada talyaaniga somalida(inkastoo uusan talyaaniga masuul uusan uga ahayn soomalida) ee ahaa muqalas dadka lacag ku geliya safaarada talyaaniga oo lagu magacaabo hussein mohamed abdirahman (BANJE) iyo nin kale uu u shaqeynaayay WFP oo asigane lagu magacaabo mohamed shiekh ali bashiir in labaduba la xiray.
Ciidanka ilaaliya gacansiga (GUARDIA FINENZE)
ayaa iguna sheegay in kooxdaan ay sidoo kale leeyihiin qaybo xawilaado lacag oo ay lacag farabadan isku marsiiyaan
(MONEY TRANSFER) iyadoo ay sheegeen in sanad iyo bar gudeheeda ay isku marsiiyeen
lacag gaaraysa 25 milyan.EURO
iyo sidoo kale in ay leeyihiin akoonbank (CONTOCORENTE) taas oo la soo marsiiyay lacag aad iyo aad u faradan lacagahaas oo laga qaato dadka la tahriibiyo iyadoona laga tahriibinaayo magaalooyinka waa weyn ee TALYAANIGA sida Roma, Milano, Torino, Firenze, Prato, Bergamo, Cuneo e Napoli, eelabooradooda iyagoo isticmaalaya duulimaadyada raqiiska ah (lowcost) iyagoo ku sii jeeda caasimadaha waqooyiga yurub.
Dadka loo tahriibiyo ayaa sidoo kale waxa ay sheegay in loo sameeyo dukumintiyo an sax ahayn oo bug ah (falsi documenti ) wadamada sida qaaska ah ee loo gudbiyo dadkaan la tahriibiyo ayaa lagu sheegay qaasatan Olanda, Francia, Danimarca, Regno Unito e, iyo sidoo kale norway, sweden , Finland.
Dowlada talyaaniga ayaa waxa ay sheegtay in ay xirtay 23 qof oo soomaali ah oo lala xiririnayo faldambiyeedkaan in ay lug ku leeyihiin iyadoona sidoo kale waraaq ka soo baxday maxkamada CATANIA lagu soo daabacay 86 soomaali oo la raadinaayo magacadooda.
waxaa soo qoray wararkaan oo idil wargeysayada talyaaniga ka aqriso iyadoo TALYAANI AH
Qore: Mahamed Ali (Ganeey Cadde) Napoli -Italy
Nagala Soo Xiriir
madiina.net@hotmail.com