555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay xoojineyso amnigeeda weerarkii Buula-mareer kadib

Number of View :101

Francois Holland madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa sheegay in la xoojinayo amniga dalkaas, kadib weerarkii ciidamada Faransiisku ay ku qaadeen habeen hore deegaannka Buula-mareer ee gobollka Shabeelllaha hoose dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu isaga bixiyay amarkii lagu weeraray deegaannka Buula-mareer  si loo soo furto la heyste u dhashay dalkaasi Faransiiska oo mudo dheer ay gacanta ku jira kooxda Al-shabaab, waxaana ay rumeysan tahay dowladda France in Al-shabaab ay dileen la heystaha intii uu howlgalku socday.

Waxaa dib loo dhaqan-galinayaan nidaamka fojignaanta ee ka hortaga argagixisada ee loo yaqaan    “Vigipirate”, ayuu yiri,’’ madaxweynaha dalka Faransiiska.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in ay ka cabsi qabaa in kooxaha islaamiyiinta ah weerar aargoosi ah ku qaadaan dalkaas, waxaana tan keentay in la xoojinayo nabad-galyada.

Weerar habeen hore ay ku qaadeen ciidamada kumaandoosta dalka Faransiiska guri ay tuhusanaayeen in lagu heysto sarkaal Faransiis ah waxaa ka dhashay khasaare baaxad leh, iyadoo weerarkaas ay ku dhintee in ka badan 26 ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaallmay iyo dad rayid ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Faransiisku ku guul dareystay in ay soo furtaan sarkaalka, islamarkaana ay ka qabteen rag kale oo ka mid ahaa ciidamadooda, waxaana ay beeniyeen in uu dhintay la heystihii ay gacantooda ku jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>