Number of View :58
Ra’iisal wasaarre ku-xigeenka ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dowladda qorshe cusub u dajisay ka hortaga kooxaha burcad badeeda.
Waxaa uu sheegtay in markii ugu horeysay dowladda iyada oo u mareysa jidka wada hadalada soo badbaadisay rag badmaaxayaal ahaa oo mudo dheer ay gacanta ku hayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
‘’Dowladda hadda waxaa ay wadaan istiraatijiyad cusub oo la doonayo in lagula dagaallamo kooxaha burcad badeeda ah oo ka duwan sidii markii hore loola dagaallami jiray, waxaa suurtagal ah in wax walba wada hadal ku dhamadaan ayeey tiri,’’ marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Kooxo burcad badeed ah oo dhawaan sheegay in ay ka tanaasuleen falalkii ay ku jireen ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay rag u dhashay dalka Siiriya oo ay mudo dheeer gacanta ku hayeen, waxaana ay dowladdu arinta ku tilmaamtay in tahay talaaabo dhinaca hagaagsan soo loo qaaday.
Wali waxaa jira shaqaalle ajnabi ah oo ku jira gacanta kooxaha burcad badeeda ah oo ku doonaya dadka ay heystaan in laga siiyo lacago madax furasho ah.
madiina.net@hotmail.com