555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Dowladda oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyaha gobolka Bay iyo Gudoomiyaha oo kasoo horjeestay Go’aankaas

Number of View :269

Dowladda Soomaaliya ay xilkii ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Bay islamarkaana isbadal ku sameysay Maamulka gobolkaasi.

Digreeto uu ku saxiixnaa Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa waxaa isbadal lagu sameeyay intabadan Maamulka gobolka Bay oo uu hogaaminayay C/fitaax Geesey.

Digreetada uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Barlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyah Prof Jawaari ayaa waxaa lagu cadeeyay in Guddoomiyaha gobolka Bay ee shariciga ah uu yahay Cabdi Aadan Hoosow islmarkaana uu badali doono C/fitaax geesey oo muddo halkaasi soo maamulayay.

Laakiin Digreetada uu ku saxiixnaa Prof: Jawaari ayaa waxaa ku cadeyd in aan waxbadan laga badalin maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jira Ethiopian, AMISOM iyo kuwa dowladda oo Al Shabaab kasaaray.

Inlabadlo maamulka gobolka ayaa waxaa la sheegay in loo cuskaday maamulka oo dhameystirneyn, waqtigiisa oo dhamaaday iyo dadka ku dhaqan gobolka Bay oo wafdigii gaaray dhawaan gobolka Bay ka codsaday in maamulkan aysan raali ka aheyn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>