555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Ergo ku sii qul quleysa Kismaayo iyo shirka maamul u sameynta Jubbooyinka oo halkaa ka furmaya

Number of View :222

Sida ay ku waramayaan wariyayaasha ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaarayay magaalada Kismaayo ergo ka kala timid gobollada Jubbooyinka iyo Gado, kuwaasoo ka qeyb-galaya shirka maamul u sameynta Jubbooyinka.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, waxaa shirkaa hogaaminaya ama shir guddoominaya urur gobolleedka IGAD oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa maamul u sameynta Jubbooyinka.

Guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaar ah ee magaalada Kismaayo Axmed Max’ed Islaam [ Axmed Madoobe ] oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aan marnaba la aqbli doonin in dowladda Soomaaliya maamul u soo magacaawdo gobollada Jubbooyinka, taasoo sida uu hadalka u dhigay dib dalka ugu celin doonta dagaalladii sokeeye.

Inkastoo la leeyahay Kismaayo waxaa tagaya ergo ka kala socta gobollada Jubbooyinka ayaa hadda waxaa xusid mudan in wasaaarrada arrimaha gudaha qorsheyneyso dhisamaha maamulada gobollada dalka Soomaaliya sida uu sheegay wasiirrka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>