Number of View :226
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa weydiistay Sir Alex Ferguson inuu sharaxaad ka bixiyo dhaleeceyntiisii calanwadihii kulankii shalay ee Tottenham.
Tababaraha Man United ayaa ka careysnaa in calanwade Simon Beck uusan rigoore u dhigin United mar uu Rooney ku dhex dhacay diilinta ganaaxa ee kulankii shalay ee ku dhamaaday barbaro 1-1 ah.
Ferguson ayaa ku tilmaamay shaqada Beck mid lala yaabo isagoo soo qaatay in hada ka hor uu calanwadahan isla kooxdiisa ku daayay offside uu ku jiray Drogba kulanka ay 2-1 ku badisay Chelsea April 2010 oo ka dhacay Old Trafford.
Ferguson ayaa heysta ilaa 6pm khamiista inuu u jawaab celiyo FA-ga.
madiina.net
xafiiska wararka muqdisho.
madiina.net@hotmail.com