Number of View :95
Qarax loo adeegsaday miino ayaa maanta magaalada Muqdisho lagula weegtay gaari uu la socday mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo xligaan marayay Mid kamid ah Isgoysyada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral C/llaahi Xasan Bariise oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in laba qarax ay siyaaba kala gooni gooni ah ay ugu dhaceen qeybo ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir.
Bariisay ayaa intaasi ku daray in qarax mid ka mid ah lala eegtay mudane ka tirsan baarlamanka Soomaaliya xili uu ku sugnaa xaafadda Buula xuubey ee dagmada Wadajir balse aysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray xildhibaanka, iyadoo dhaawac fudud uu soo gaaray laba ka mid ah ilaaladii mudanaha ka tirsan baarlamanka dalka.
Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska loo soo qab qabtay 10 ruux kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho balse haatan lagu sameynayo baaritaano.
madiina.net@hotmail.com