Number of View :191
Waxa jiro kulan aad u xiiso badan oo ah london derby Kooxda kubada cagta Arsenal ayaa caawa booqan doonta garoonka StamfordBridge kaas oo ay kula ciyaari doonto naadiga Chelsea,Kooxda Blues ayaa qaab ciyaareed xun oo garoonkooda ah ku jirtay dhaawanahan, waana wax ay doonayaan inay iska ilaawaan maanta, halka Gunners oo kulan kale uu u sii harsan yahay marka laga reebo kan maanta ay dooneyso inay soo yareyso farqiga u dhaxeeya iyaga iyo kooxaha ay ku tartamayaan booska Champions league.
KULANKA: CHELSEA VS ARSENAL
GAROONKA: STAMFORD BRIDGE
WAQTIGA: 4:30 SGA
Kabtanka Chelsea ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay tan iyo bishii November marka ay maanta qaabilayaan Arsenal.
John Obi Mikel iyo Victor Moses ayaa ku maqan koobka qaramada Afrika, halka Oriol Romeu uu isna dhaawac muddo dheer la maqan yahay.
Daafaca dhexe ee Arsenal Laurent Koscielny ayaa diyaar ah ka dib hal kulan oo uu ganaax ku maqnaa.
Mikel Arteta iyo Tomas Rosicky ayaa weli dhaawac ah, Gervinho isna waxa uu ku maqan yahay koobka Qaramada Afrika.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com