Number of View :55
Isbuuc mashquul ah ayey u aheyd roma kaaso ku aadaneyd imaanshiyaha madaxweynahooda james pallotta kaaso soo jiitay indhaha saxaafada talyaaniga.
james pallotta ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo hamiga kooxda ee xilli ciyaareedkawuxuuna saxaafada ku yiri:
Yoolkeena ugu horeeya waa inaan dhisno koox u tartami karta Champions League 10ka sanadood ee soo socda, niyadjab ayayna nagu noqon doontaa hadii aanan u soo bixin sannadkan” ayuu yiri milkiilaha Mareykanka, isagoo hadalkiisa raaciyay inay doonayaan inay Scudetto ku guuleystaan shanta sanno ee soo socota.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay xaalada garoonka: “talaabada koowaad waa inaan helno booskii aan ka dhisi laheyn. Waxaan dooneynaa inaan garoon cusub yeelano shanta sanno ee soo socota”.
Waxaana uu sidoo kale meesha ka saaray in qorshaha uusan ugu jirin inay iibiyaan Daniele De Rossi, kaasoo kursiga keydka u badan xilli ciyaareedkan.
Shakigii laga qabay taam ahaanshaha daafaca reer Brazil Marquinhos ayaa meesha laga saaray isagoo tababarka ku soo laabtay khamiistii, sidaasi darteed De Rossi ayaa fursadiisa uu ciyaari lahaa ay ku kooban tahay booskiisa khadka dhexe.
Leandro Castan ayaa si kastaba ganaax ku maqan.
Milan ayaa walwal ka qabin daafacooda, taasoo nasiib u ah tababare Max Allegri, isagoo ku tashanaya daafaciisa ciyaarta caawa.
“Kulanka sabtida Roma waxa ay nagu qaadan doontaa daafac fiican si aan u helno natiijo.” ayuu sheegay Allegri.
“Waa inaan horumar sameynaa hadii aan dooneyno inaan ka mid noqono lixda kooxood ee ugu sareysa.”
Soo laabashada Robinho ayaa iyadana muhim ah, inkastoo ciyaaryahanka reer Brazil ay u badan tahay in la iibin doono bisha Janaayo.
Haatan waxa uu ciyaari doonaa kulankooda ugu danbeeya ee 2012. Laakiin Alexandre Pato oo ah ciyaaryahan isna doonaya inuu baxo ayaa weli dhaawac ah. Bakaye Traore iyo Nigel de Jong ayaa iyagana kooxda ka maqan.
Kulanka: AS Roma v AC Milan
Garoonka: Stadio Olimpico
Waqtiga: 10:45 p.m xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH
ROMA
ROMA
![]()
Goicoechea
Piris, Burdisso, Marquinhos, Balzaretti
Bradley, De Rossi, Pjanic
Lamela, Osvaldo, Totti
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com