Number of View :223
waxa lawada sugayaa kulanka xiisaha badan ee juventus iyo ac milan oo ka tirsan coppa italy .
Waqtiga: 10:45 p.m xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
JUVENTUS
![]()
Storari
Barzagli, Bonucci, Caceres
L’steiner, Vidal, Pirlo, Pogba, Peluso
Vucinic, Giovinco
AC MILAN
![]()
Amelia
De Sciglio, Mexes, Acerbi, Ignazio Abate
Montolivo, Ambrosini, Emanuelson
Boateng
Bojan, El Shaarawy
Kooxda Bianconeri ayaa dooneysa inay ka soo kabsato guuldaradii lama filaanka aheyd ee ka soo gaartay Sampdoria axadii, halka Rossoneri ay ka warqabaan in koobkaan uu u sahlo karo wado kale oo ay ugu soo baxaan Europa League.
Kooxda martida ah ee Milan waxaa diyaar u noqon doona Philipe Mexes, taasoo la micno ah in a dhaqaajiyo Matti De Sciglio oo loo celiyo daafac garab. Francesco Acerbi ayaa sii ciyaari doona doorkiisa daafaca dhexe, halka Ignazio Abate la filayo inuu booskiisa ku soo laabto.
Khadka dhexe Massimo Ambrosini ama Antonio Nocerino midkood ayaa la nasasiin doonaa iyadoo uu ciyaari doono Urby Emanuelson, halka Bojan oo gool dhaliyay kulankii Siena isna laga yaabo in laga xiiseeyo Giampaolo Pazzini.
Kooxda martida loo yahay waxa ay u badan tahay inuu goolka ku soo bilaaban doono Marco Storari madaama uu yahay goolhayaha inta badan la ciyaarsiiyo koobabka maxaliga ah.
Giorgio Chiellini ayaa ka maqan kooxda Antonio Cone taasoo la micno ah in midkood Federico Peluso uu sii buuxiyo booska seddexda daafac ama taas bedelkeeda in Martin Caceres inuu booskaas ka ciyaaro oo Peluso la saaro garab weerar.
Dhaawacii Claudio Marchisio uma xuma sidii markii hore laga cabsi qabay, laakiin waxa ay u muuqataa in fursad la siin doono Paul Pogba. Arturo Vidal oo seegay kulankii axada ayaa isna la filayaa inuu soo laabto kulanka caawa.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com