Number of View :229
Rugcadaaga leyliya kooxda manchester united Sir Alex Ferguson ayaa maanka ku haya guuldaradii xanuunka badneyd ka soo gaartay Spurs kulankii ka dhacay old trraford iyadoo kooxdiisa ay booqaneyso maanta White Hart Lane oo uu guulo ku riyaaqay sannado badan islamarkaana aan looga badinin muddo 12 sanadood ah.
Kulanka: Tottenham v Manchester United
Garoonka: White Hart Lane
Waqtiga: 7:00 p.m SGA (Saacada Geeska Afrika)
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
TOTTENHAM
Lloris
Walker, Dawson, Vertonghen, Assou-Ekotto
Parker, Dembele
Lennon, Dempsey, Bale
Defoe
Ciyaaryahanka Manchester United Ashley Young ayaa isna weli dhaawac jilibka ah la maqan, laakiin waxaa soo laabtay Nani.
Jonny Evans ayaa isna weli daweynaya dhaawac muruqa ah, sidaasi darteed Nemanja Vidic iyo Rio Ferdinand ayaa ka sii ciyaari doona daafaca dhexe.
Inkastoo Rooney uu ku jiro line-upkeena macquulka ah hadana waxaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kursiga keydka islamarkaana Hernandez lagu soo bilaabo, madaama Sir Alex Ferguson uu shaki geliyay inuu ku soo bilaabi doono Rooney.
Dhanka kale tottenham ciyaaryahankeeda khadka dhexe Scott Parker ayay u badan tahay inuu ku soo bilaaban doono booskii Sandro ee Tottenham ka dib mariii Sandro qaliin looga sameeyay jilibka isagoo maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Weeraryahan Emmanuel Adebayor ayaa ku maqan koobka qaramada Afrika.
madina.net
madiina.net@hotmail.com