Number of View :60
Wasaarrada difaaca dowladda Faransiiska ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar xalay diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ku qaadeen deegaannka Buula-mareer ee gobollka Sh/hoose.
Waxaa ay sheegtay wasaarrada difaaca dowladda Faransiiska in waqtigii koobnaa ee uu howlgalku socday dileen kooxda Al-shabaab laheystihii Faransiiska ee gacanta ugu jiray, islamarkaana doonayeen ciidamada in ay xoog ku furtaan, sidoo kale waxaa ciidamada weerarkaas uga dhintay labo askari.
Sidoo kale, waxaa ay sheegtay wasaarrada difaaca Faransiiska in ay ku dilleen weerarka 17 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, kuna bur buriyeen hoygii ay ku jireen.
Laakiin waxaa arintaa beeniyay horjoogayaasha Al-shabaab oo sheegay in ay wali gacanta ku hayaan, islamarkaana uu nool yahay la heystihii Faransiiska, iyaga oo sheegay in uusan waxba ka jirin warka sheegaya in ay dilleen.
Waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socda go’aan kama danbeys ah ka qaadan doonaan sida ay ka yeelayaan la heystaha ay gacanta ku hayaan ee u dhashay dalka Faransiiska.
madiina.net@hotmail.com